Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowladda Puntland ayaa lagu qabtay shirka bilaha ee ICCG oo lagaga hadlayey xaaladda Bini,aadantinimo Ee Puntland iyo Ka hortaga waxyeelada Masiibooyinka dabiiciga ah ee soo noq noqda.
Shirka waxaa furay Agaasimaha guud mudane Ahmed naxar said awnuur iyo madaxda waaxda Bini’aadamnimada oo kaashanaya madaxda UNOCHA iyo hay’adaha kale ee arimaha bin’adantimada ee ka hawl gala deeganada puntland, shirka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii la isaga kaashan lahaa arimaha gar gaarka ugu danbayn shirka ayaa ku soo dhamaaday Si’qurux badan wax badana, la iskaga waraystay xaaladaha Bini,aadantinimo Puntland iyo sidii loo dardar galin lahaa shaqooyinka Bini,aadantinimo ee ka socda Puntland.
….DHAMAAD….
BAAHINTA XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA GARGAARKA IYO MAARAYNTA MASIIBOOYINKA DAWLADDA PUNTLAND.