WASIIRKA WASAARADDA GARGAARKA & MAAREYNTA MUSIIBOOYINKA DOWLADDA PUNTLAND IYO WAFDI BALAARAN OO KA KALA SOCDAY PUNTLAND IYO GALMUDUG AYAA MAANTA GAARAY DEEGAANKA JIICBOOR OO SHALAY DULEEDKA DEEGAANKA AY KU DAGAALAMEEN BEELO WALAALO AH.
Wafdiga ayaa ka koobnaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socday Puntland Iyo Galmudug, Maamulka Gobolka Mudug labada dhinac, Waxgaradka labada dhinac, iyo laamaha amaanka.
Wafdiga ayaa maanta gaaray goobihii shalay dirirtu ka dhacday Duleedka Jiicboor una sii Gudbay Saaxo-qurun, safarka oo ay ujeedadiisu ahayd sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Dagaal beeleedka daba dheeraaday ee ka taagan Galbeedka Mudug.
Wafdiga oo la kulmay dhinacyada dirirtu dhex martay ayaa xooga saaray sidii loo joojin lahaa xabada iyo dhiiga daadanaya.
Kulamo gooni gooni ah ayay lakala qaadanayeen maamulada gobolka Mudug Puntland iyo Galmudug, horjoogayaasha cidamada hogaaminayey, Odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Dowladda Puntland oo mar horeba dedaal ku bixisay dajinta Colaadda ayaa dhigeedda Galmudug ay isla qaateen in si deg deg ah loogu boxo joojinta colaadda Beelaha walaalaha ah ay isku beegsanayaan.
Ugu dambayntii wafdiga ayaa ku guulaystay inay labada dhinacba ku qanciyaan xabad joojin iyo in la kala qaado ciidamada is hor fadhiya.
….DHAMAAD….
BAAHINTA XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA GARGAARKA IYO MAAREYNTA MUSIIBOOYINKA DAWLADDA PUNTLAND.