Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Puntland ayaa qabatay Xuska Maalinta Bini’Aadamtinimadda Aduunka 19-Agoosto oo sanad walba maanta oo kale la xuso.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Puntland Marwo Ubax Cabdirashiid Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Puntland Mudane Axmed Saciid Qaloombi, Agaasimaha Guud Wasaaradda Gargaarka Iyo Maareynta Masiibooyinka DPL. Axmed Naxar Saciid iyo Masuuliyiin Ka tirsan Xukuumadda. Sidoo kale waxaa kasoo qayb Galay Munaasabadda Hay’addaha ka shaqeeya Arimaha Bini’Aadamnimadda.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DPL. Marwo Ubax Cabdirashiid Maxamed oo qudbad ka jeedisay Munaasabadda ayaa tiri “Waxaan u hambalyeen dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya Arima Bini’Aadamnida sida naf hurnimada leh ay ugu adeegaan Bulshadda, sidoo kale waxaan ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan mabaa’dii’da Caalamiga ah ee dhowridda Bini’aadamnidda iyo dhexdhexaadnimadda”.
Munaasabadda Xuska Maalinta Arimaha Bini’aadamnidda oo Sanad-walba maanta oo kale la qabto ayaa kusoo gaba-gaboowday si wanaagsan.
——-Dhamaad——-
BAAHINTA XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA GARGAARKA IYO MAARAYNTA MASIIBOOYINKA DAWLADDA PUNTLAND.